BREAKING NEWS

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Madasha Wadatashiga ee Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in wali socdaan kulamo u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyadda oo gaar gaar ah in ay ka socdaam Dhuusamareeb.

Ilo ku sugan Dhuusamareeb oo ka mid ah maamulka Galmudug ayaa Widh Widh Online u xaqiijiyay in Madaxda Dhuusamareeb ku sugan ay isku raaceen in maalinta berri ah uu furmo Shirka.

Waxaa lagu soo koobay maalinta berri ah Shirka Khudbad jeedin Madaxda Shirka qeyb galeysa.

Waxaa uu sidoo kale jira in xubno guddi hoosaad ah la Magacaabay kuwaa soo taxliin doona hanaanka doorashada Soomaaliya.

Labada qodob ee la kala taagnaa ee nooca doorashada ayaa weli xal laga gaarin sida qodobka maamul goboleedyada doonayaan ee doorasho dad-ban iyo qodobka doorashada qof iyo cod ee Madaxweynaha riixayo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top