BREAKING NEWS

Wafdi ka socda Dowladda Itoobiya oo gaaray Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland waxaa Maanta oo Arbaco ah socdaal aan horay loo sii shaacin kusoo gaaray Wafdi ka socda Dowladda Itoobiya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dalkaas Axmed Shide.

Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa,waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliland, iyada oo loo gudbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Gudaha Magaalada Hargeysa.

Weftiga Itoobiya ka socda oo sida fariin ka socota Raysal wasaare Abiy Axmed ayaa muuse Biixi hada kula shiraya Hargaysa

Abiy Axmed ayaa usoo diray Muuse Biixi weftigan si ay ugu qanciyan in uu ka Laabto xidhiidhka iyo saldhiga ay Masar doonayso inay ka samaysato xeebta Berbera.

Sidoo kale Weftigan Ka socda Itoobiya Ayaa Muuse Biixi usheegay in Itoobiya aysan marbana aqbali doonin xidhiidh dhexmaray Somalialnd iyo Masar.

Maalma ka hor ayay aheyd markii wafdi ka socda Dowladda Masar ay tageen Magaalada Hargeysa,isla markaana ay la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliland,waxaana labada dowladood ee itoobiya iyo Masar xilligaan ka dhaxeeya hardan ku saabsan Wabiga Nile.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top