BREAKING NEWS

Farmaajo Oo Markale Kulan La Qaatay Madaxwaynayaasha Puntland Iyo Jubaland

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in uu Madaxtooyada Maamulkaas uu ka socdo kulan gaar ah oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo Madaxweynayasha Jubbaland & Puntland.

Kulanka oo ah mid ay Albaabada u xiran yihiin ayaanan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha ay ka hadlayaan,hayeeshee waxaa maalmahaan jiray kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen si xal looga gaaro khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Maamulada Jubbaland & Puntland.

Kulankaan gaarka ah ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay Shirkii Dhuusamareeb ay ka sheegeen Madaxweynayasha Jubbaland & Puntland ee Saciid Deni iyo Axmed Madoobe in uu dhamaaday khilaafkii kala dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top