BREAKING NEWS

Puntland oo siideysay laba Sarkaal oo u xirnaa

Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay Xabsiga kasii daayeen laba Sarkaal oo todobaadyadii la soo dhaafay u xirnaa,kuwaas oo kala ah Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe dhamme Maxamuud Muuse Bile.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay siideynta labada Sarkaal oo la xiray horaantii Bishaan, kuwaas oo loo heystay eedeyn la xiriirta gadood ay sameeyeen Ciidamo ay ka tirsanaayeen oo tababar uga socday Magaalada Qardho lagana qaaday Magaalada Garoowe.

Wararka qaar e la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha lagu waayay eedaymo loo haystay oo la xiriiray in ay ka dambeeyeen gadoodka Ciidamaa ay sameeyeen iyo inay diideen amar kasoo baxay saraakiisha kas areeysa.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top