BREAKING NEWS

Mursal oo shaaciyay in Kalsoonida lagala noqday Ra’isul Wasaare Kheyre

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow soo xiray kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyey inay kalsoonidii kala noqdyeen ra’iisul wasaraaha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Mursal oo hadlay kadib buuq hareeyey kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu codka u batay in kalsoondii lagala noqday xukuumadda.

Sidoo kale wuxuu goobta dhawaaqay magacyada xildhibaanada sameeyey buuqa, kuwaas oo kala ah:- Xubnaha fodada bilaabay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Aadan Isxaaq, Xildhibaan Dhuxulow, ildhibaan Xuseen Iidow, iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiid Ismaan Daallo, sida uu kulanka ka hor sheegay guddoomiye, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top