BREAKING NEWS

War Deg Deg Ah Khayre Oo ka Hadlay Xilkii Laga Tuuray{Video}

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan cali khayre ayaa goordhaweyd ka hadlay xilka qaadistii baarlamaanka soomaaliya ku sameeyen maanta.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Khayre ayaa si cad usheegay in wixii ka dhacay maanta aqalka Barlamaanka soomaaliya uu ahaa sharci daro.

Raysal wasaare khayre ka hadlaaya xilka qaadista ayaa yidhi’‘Aniga oo og In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed. In xitaa aanay ajandaha ku jirin in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka‘

Khayre oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi”Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho”.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top