BREAKING NEWS

Muuse Biixi Oo Amar ku Riday Xubnaha Dhulbahante,

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Bixii cabdi ayaa walaac xoogan ka muujiyay Ciidanka iyo awoodda Jabhada SSC Ee Fadhigeedo yahay Caasimada Buuhoodle,

Wararka Ay helayso Widh WIdh Online ayaa sheegay in xalay ilaa maanta uu shirar kala duwan la qaatay Madaxweyne Muuse Bixi xubnaha dhulbahante ee ku jira maamulkiisa,

Shirarka Muuse Biixi iyo Xubnaha Dhulbahante Dhexmaray ayaa looga hadlay Jabhada SSC iyo Awoodda ciidan ee Buuhoodle ay kawado,

Muuse Bixii Ayaa Su allo, ka weydiiyay xubnaha Dhulbahante oo isugu jiraywa siiro iyo Xildhibaano,. inay sheegan meesha ay salka ku hayso Jabhada SSC.

Sidoo kale Muuse Bixi,i waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay In Xiligan waxaa uu ugu yeedhay Somaliland, Aysan daawan karin awooda ciidan ee ka dhismaysa Buhoodle.

Xubnaha dhulbahante ayuu ku amray Biixi, inay si dagdag ah uga keenan War Jabhada SSC,Cida Maal galiso.iyo Arrimo kale oo la xidhiidha baqdinta ay maamulkaasi ka qaban Jabhada SSC,

Muuse Biixi, Sidoo kale waxaa uu Xubnaha Dhulbahante ugu Hanjabay in aysan suuro gal noqon karin inay iska dhex joogan Hargaysa iyadoo Deegaanka ciidaamo xoogan laga dihsaayo oo somaliland halis ku ah.

SNM ayaa baqdin xoogan ka qabta awoodda ciidanka Jabhada SSC, sidoo kale waxay ilaa hada ku jaah wareertay Somaliland meesha jabhadan laga maal galiyo.

Xubnahan Muuse La shiray ayaa talaabada ay qaadayan ee ugu horaysa waxay tahay inay socdaal ku yimaadan Buuhoodle iyo laascaanood,

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top