BREAKING NEWS

Maamulka Somaliland Oo War Ka Soo saaray Xilka Qaadistii Khayre,

Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka falceliyey kalsooni kala noqoshadii Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ku sameeyay xukuumaddii Xasan Cali Khayre

Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ismaamulka gooni u goosadka ah Hargeysa oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ee KFTV ayaa si naadir ah u wajahay qadiyadan xasaasiga ah.

Inkasta oo uu carabka ku dhuftay in aysan khuseyn kana hadlin arrimaha gudaha Soomaaliya, haddana Gaaxnuug ayaa ku tilmaamay hanaankii loo diray xukuumaddii Khayre “mid mas’uuliyad darro ka muuqato”

“Dowlad wax aan ka badneyd rubi-saac gudaheeda lagu ridday waa arrin aduunka oo dhan la yaabay, waa arrin ay ka muuqato iyadda dhexdooda aaney is-aamini karin, Beesha Caalamka ee la shaqeyneysay aaney aamni karin, innagana dowladii wadahadalada nala wadday in ay 30 daqiiqadood ku dhacdo waxay muujineysaa sidda ay unreliable u tahay xukuumadda Muqdisho ka dhisan, waana nasiib darro,” ayuu yiri, isagoo taageeray walaaca caalamka.

Bishii hore ee July ayay ahayd markii Aqalka Hoose oo ku shiray Muqdisho uu eryay Khayre, oo dhankiisa dib ka shaaciyey in uu is-casilay kuna tilmaamay hanaanka shaqadda loo racdeeyay “mid sharci darro ah

Wallow uu qaabkaas uu uga hadlay, Gaaxnuug ayaa sheegay in uusan jirin mowqif ay iska taagayaan qadiyadaas, isagoo ku doodey in aysan dooneyn “faragelin ay ku sameeyaan arrimaha gudaha Soomaaliya

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top