BREAKING NEWS

Muuse Biixi Oo Albaabka Ka Xidhay Safiir Sadex Maalin Hargaysa Ku Sugan,

Safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya danjire Qin Jian oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugan magaalada Hargeysa, ee caasimadda Somaliland ayaan weli la kulmin Biixi.

Danjire Jian, oo hoggaaminaya diblomaasiyiin ka tirsan safaaradiisa Muqdisho, ayaa Sabtidii socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, si uu Maamulka Somaliland, ugala hadlo xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan dhex maray oo uu safiirku si kulul u cambaareeyay.

Hase yeeshee danjire Jian ayaa saddex maalmood oo uu Hargeysa joogay aan weli la kulmin Biixi, waxaana Safiirka qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, iyadoo uu wasiirka arrimaha dibaddu Hargaysa ka maqan yahay.

Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in Safiirku arki kari waayo Muuse Biixi, laakiin waxa la dareensanyahay in dawladda China doonayso inay Somaliland weydiisato inay ka baxdo xidhiidhka cusub ee Taiwan.

Dawladda China ayaa si weyn uga hortimid, una cambaaraysay bilowga xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo gaadhay heerka ah inay wakiilo is weydaarsadaan. Wakiilka ay Taiwan u soo magacowday JSL ayaa ku sugan Hargeysa, iyadoo la filayo in wakiilka ay Somaliland magacowday uu isna dhawaan u ambo baxo Taiwan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top