BREAKING NEWS

Qarax Xoog Badan oo Ka dhacay caasimada Beyrut{Video}

Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay kuna dhintay qarax xooggan oo ka dhacay Caasimadda dalka Lebanon ee Beirut sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Tiro dhimasho & dhaawac lama hayo waa tiro dhaafeen, Isbitaaladii magaalada wey buuxdhaafeen, waxaana duqu amray in gobalada loo daad-gureeyo, dekedii magaalada wey burburtay, xaafaddaha oo dhan ayaa gubtay, dhul baaxad ahaan ka bada 10KM ayaa waxyeeladu saameysay.

“Waxay u ekayd wixii ka dhacay Japan, gudaha Hiroshima iyo Nagasaki. Taasi waa waxa ay i xasuusinayso dhacdadani. Weligey ma arag bur-bur kan lamid ah” Ayuu yiri duqa Beirut Marwan Abboud oo isagoo ilmaynay

240KM meel u jirta Beyruut ayaa laga maqlay Dhawaaqa qaraxa dhacay, aad bay isku burinayaan waxa dhacay noocooda oo aan horey loo arkin

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top