Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ayaa Sheegaya in ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koofur galbeed ay isaga baxeen deegaanka Goofgaduud buureey iyo deegaanka Daynuunaay oo Shalay uu ka dhacay Dagaal Khasaare badan dhaliyay.
Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay in Ciidamada huwanta ay isaga baxeen deegaanadaasi oo hada gudaha ay usoo galeen ciidamo katirsan Al-Shabaab oo wata gadiidka Dagaalka.
Wali wax war ah kama soo bixin taliska Ciidanka Xoogga oo looga hadlayo sababta ku kaliftay ciidamada iney faarujiyaan halkaasi oo shalay ay isaga difaaceen Weerarkii kaga yimid dhanka Ururka gacansaarka la leh Alqaacidda.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa Sheegaya in dadka deegaanka ay soo wajahday cabsi xoogan maadaama shalayna dagaal dhiig badan uu ku daatay uu ka dhacay halkaasi hadana ay isaga baxeen ciidanka dowladda.