BREAKING NEWS

Somaliland Arrin yaab leh U Xidhay Gabadh reer Borama Ah{Video}

Hooyo Soomaaliyeed oo ka soo jeeda beesha Samaroon oo deriskeeda Hargaysa ee SNM ku soo dacweeyeen inay Googarado Calanka Soomaalida u eg ay xirato, gurigeedana uu ku goglan yahay Calanka Soomaalida ayaa ku xiran xabsiga Hargaysa

Marwo Degan Miiraash oo ah Hooyo dhashay afar caruur ah ayaa isbuucii labaad ku xidhan Saldhiga dhexe ee Hargeysa waxaana loo haystaa in ay qolka hurdada ee gurigeeda ku sharaxatay Calanka Soomaaliya sawiro ay ka qaadayna ku faafisay baraha bulshada.

Muuqaal Degan kusoo duubtay gudaha jeelka oo laysoo diray ayay ku sheegtay inay markasta ku celcelin doonto ha noolaato Soomaaliya cid wax ka qaadaysaana aanay jirin. Waxaanay sheegtay in lagu eedeyay Qaran dumis.

Degan ayaa kasoo jeeda Gobolka Awdal.

https://www.youtube.com/watch?v=ThUSZGAc0vw&feature=emb_title

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top