BREAKING NEWS

Maamulka Somaliland oo Doonay Inay Nabada Garaad Jaamac Garaad Cali Ay Fashiliyaan(XOG HOOSE)

Xaalada guud ee deegaanka Buuhoodle ayaa ahaa mid dagan kadib markii dhexda u xidhay garaad guud garaad Jaamac Garaad Cali oo aad ugu danqaday burburka lagu wado dad dagan guud ahaa gobolada SSC, waxaana howshan ku howlanaa mudo dheer Maamulka Somaliland oo doonayay inay isku diraan beelaha dhulbahante si loo qabsado deegaankood, Qarshan oo la dajiyay kadib dagaalkii kalshaale oo afka ciid loo daray maamulka uu hogaaminaya Siilaanyo iyo Saleebaan Gaalk.

Shaxadan ay dhigeen saraakiil SNM oo duulaan balaadhan ku ah deegaanka SSC, waxay dhigeen shaxda oo ah sidii la isugu dir lahaa beelaahan.
Bahrasame iyo Khayr cabdi
Barkad iyo Cali gari
Reer Cilmi iyo Fiqishin
Reer hagar iyo Hayaag

Reerahaas ayaa guud ahaan wali colaadiid aan istaagin iyo kuwa wali ay socdaan dantii laga lahaan laga gaadhay kadib horgolo caado qaatayaal ah oo wali wada in dagaalku uu sii socodo.

Waxaa hada socda in maamulka Somaliland oo u wado inay fashilyaan nabadaas uu hogaamiyo garaad guud ee SSC oo doonay inayuu soo afjaro colaad mudo dheeraatay ee dhextaala Beelaha walaal ah Hagar iyo Hayaag.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top