BREAKING NEWS

Xaalada Guud ee Magaalada Kismaayo oo Qasan iyo Dagaal Xoogan oo Socda

Wararka ka soo baxay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Al Shabaab iyo ciidamada Jubbaland uu kasocdo Deegaanka Janaay Cabdalle.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii dagaalyahano katirsan Al Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo ciidamada Jubbaland ka sameesteen deegaanka Janaay Cabdalle.

Sida aan wararka ku helnay labada dhinac ayaa waxaa dhax maray dagaal hubka nuucyadiisa kala duwan ,waxaana jira khasaaro labada dhinac kala gaaray.

Ciidamo gurmad ah oo ka baxay magaalada Kismaayo ayaa gaaray deegaanka Janaay Cabdalle uu ka socdo dagaalka u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada Jubbaland.

Deegaanka dagaalka ka socdo ee Janaay Cabdalle oo kuyaala duleedka magaalada Kismaayo ayaa horey waxaa fariisimo ugu lahaa Al Shabaab, hasa ahaatee waxaa deegaankaas dhawaan la wareegay ciidamada Jubbaland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top