BREAKING NEWS

Axmed Madoobe oo si kedis ah ugu duulay Kenya,

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo 3 maalin kahor kayimi Kenya ayaa si deg deg, markale shalay dib ugu laabtay, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaa ujeedada safarkiisa.

Ilo madax banaan ayaa xaqiijinaya in kahor tagida Axmed Madoobe ee Kenya ay ka horeysay safar qarsoodi ah oo ay Kismaayo kutimi diyaarad khaas ah oo waday Saraakiil sare oo katirsan Sirdoonka Kenya, taas oo laabashadeediina qaaday Madaxweynaha Jubbaland.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in safarkan deg deg ah ee M/weyne Madoobe la xariiro arrimo caafimaad.

Kenya ayaan soo dhaweynin, sida ay wararku sheegayaan Is afgaradkii dhexmaray DFS iyo Jubbaland, kaas oo ay Nairoobi u aragto halis soo wajahday danaheena gudaha dalka.

Wada hadalo todobaadkii kadhacay Nairoobi dhexmarayna Kenya iyo Jubbaland ma jirin heshiis laga gaaray, iyadoo Xukuumadda Nairobi halis u aragta heshiis dhexmara DFS iyo Jubbaland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top