BREAKING NEWS

Diyaarado Dagaal oo Caawinaya Maamulka Galmudug

Maamulka Galmudug iyo Ciidamada uu horkacayo Madaxweyne Kuxigeenka, Wasiirka Amniga iyo Taliyaasha Ciidamada kala duwan ayaa booqasho ku tagey deegaanka Bulacle oo dhaca qiyaastii 30 km Koofurta Caasimada Dhuusa mareeb.

Ciidamada Amniga ee Galmudug oo isugu jira kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta 21-aad, Ciidamada Booliska, NISA iyo Daraawiishta ayaa howlgallo ka samaynaya deegaanadaas.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa waxa uu ku dhawaaqay duulaan lagu xoreenayo deegaanada Al Shabaab kusugan yihiin.

Waxa la sheegay in duulaankani oo ay Ciidamo Ajaanib ah ka qeyb galayaan iyo diyaarado dagaal lagu xoreenayo Deegaanada Galmudug Al Shabaab ka joogaan.

Galmudug waxay ku guda jirtaa diyaarinta ciidamada amniga kala duwan ee ka qeybgali lahaa dib u xoraynta deegaanada gacanta argagixisada ku jira oo dad badan oo reer Galmudug ah ay sugayaan in laga dulqaado culayska argagixisada iyo ciqaabta ay ku hayaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top