BREAKING NEWS

Sheekh Xaliike Oo Si Adag uga Hadlay Colaada Ka Taagan SSC

Sheekh Maxamud Xaliike, oo kamid ah Culimada ugu waaweyn Deegaanka SSC, ayaa Si kulul uga hadlay Colaada Ka taagan Gobolada SSC.

Sheekh Xaliike waxaa uu sheegay in uu jiro qorshe Dajisan oo ah marka colaad la damiyo ama la dhameeyo hawsheeda in mid kale la qarxiyo.

Sidoo kale Sheekh Maxamud Xaliike, ayaa sheegay in Beesha Burco iyo Hargaysa, intay isasoo dhaafiyen maleeshiyaadkoodii inay dhehen waa ciidan qaran oo gobolka sool laga soo buuxiyay taaso qeyb weyn ka ah colaada deegaanka SSC ka taagan.

Dhanka kale Sheekh Xaliike, wuxuu Cadeeyay in Maleeshiyaadka Ka Mushahaar qaatada Somaliland, ee deegaan ahaan ka soo jeeda SSC inay yihiin Dhib iyo halis deegaankan loo sameeyay kuwaaso mariki labo beelood is dilaan la kala safanaya siina holcinaya colaada,

Sheekh Maxamuud Xaliike, Colaada Deegaanka SSC, ee Beelaha Dhulbahante la dhex dhigay ayuu aad uga dayriyay waxaana uu sheegay inay tahay qorshe lagu galinaayo halis guud Ahaan mustaqbalka Deegaanka iyo Dadka.

Ugu Danbayn dhalinyarada culimada Siyasiyiinta iyo waxradka deegaanka SSC ayuu ugu baaqay inay indhaha furan oo wax badan hoos u eegaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top