BREAKING NEWS

Rasaas laga maqlayo Gudaha Madaxtooyada

Inqilaab ayaa la soo sheegayaa inuu ka socdo gudaha Maali , islamarkaana ay hoggaaminayaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milatariga dalkaasi.

Warar sheegaya in rasaas ay ka dhacday saldhig militari oo ka mid ah kuwa si weyn looga ilaaliyo Madaxtooyadda dalkaasi.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta in hogaamiyaha afgambiga uu noqon karo Colonel Sadio Camara.

Warbaahinta Gudaha ayaa sidoo kale ogaatay in la xiray dhawr siyaasi oo sarsare iyo saraakiil sarsare ah, oo ay ku jiraan Wasiirka Maaliyadda Abdoulaye Daffe iyo madaxii shaqaalaha ee Ilaalada Qaranka iyo Gudoomiyaha baarlamaanka.

Afgambiggaan ayaa Waxaa uu ku soo beegmaysaa toddobaadyo dibad-baxyo xooggan ay ka socdeen dalkaasi oo lagu dalbanayay in uu iscasilo Madaxweynaha Maali.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top