BREAKING NEWS

Wararkii ugu dambeeyay Shirarka ka socda Magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa weli ka socda shirar gaar gaar ah oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir, iyada oo ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland.

Labada Maamul ee jubbaland iyo Puntland ayaa kasoo horjeestay howlaha ka socda Magaalada Dhuusamareeb ,iyaga oo sheegay in hadii heshiis la gaaro aysan dalku laheyn xukuumad fulisa, isla markaana aysan Dhuusamareeb tageen ilaa laga Magacaabo Ra’iisul Wasaare.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa habeeno ka hor shir jaraa’id uu qabtay waxaa uu sheegay in Wajiga Saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb uu furay, isaga oo ugu baaqay Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland in ay kasoo qeyb galaan.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xiriir qadka taleefanka ah maanta la sameeyay Madaxwaynaha Puntland Saciid Abdulahi Deni oo ay kawada hadleen sidii Puntland ugu soo biiri laheyd Shirka Dhuusamareeb3.

Wadahadalka labada madaxwayne oo mudo qaatay ayaa lagu eegay sida ugu dhow ee lagu dhameyn karo diidmada puntland ka qaadatey kusoo biirista shirka Dhuusamareeb, Madaxweyne QoorQoor oo isku howlay sidii arinkan uu xal ugu heli lahaa ayay markale caawa ku balameen in ay xiriir kale sameeyaan Madaxwaynaha Puntland Deni, maadaama aan maanta lagu guuleysan in xal loo helo qodobada qaar ee salka u ah diidmada Puntland

Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa dad badan oo Siyaasiyiin ah waxaa ay qabaan in aysan kasoo bixi doonin natiijo bedeli karta xaalada siyaasadeed ee dalka xilli lagu guda jiro waqti kala-guur ah dalkana uu ku jiro xilli doorasho.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top