BREAKING NEWS

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la mamnuucay jaadka la keeno dalka

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aadana diyaaradaha dalka keena qaadka, kaas oo dad farabadan oo Soomaaliyeed ay ka ganacsadaan.

Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin ayaa sheegay in marnaba ay Soomaaliya aysan soo geli karin diyaaradaha sida qaadka,isla markaana dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in dalka la keeno jaadka.

Waxaa uu sheegay in dhowr jeer ay Hawada Soomaaliya ka celiyeen diyaarado jaad siday, sidoo kale ay qabteen jaad lagu soo dhex qariyay alaabo kale oo dalka la keenay,isla markaana ay gubeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin in Duuliyihii ama Beyloodkii isku daya in Soomaaliya uu soo geliyo diyaarad sida jaad uu weyn doono leysinkii ama ruqsadii duuliyenimo.

Hadalka Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin ayaa kusoo aadaya xilli Guud ahaan Soomaaliya si caadi ah loo keeno jaadka,isla markaana lagu iibiyo suuqyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top