BREAKING NEWS

uuse Biixi oo qaabilay Wakiilka Itoobiya u soo Magacowday Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo maamulka Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska safaaradda ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federal-ka Itoobiya u soo magacawday Somaliland.

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya  Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Waxaana Kulankaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, dhinaca safiirkana waxa ku wehelinaayey safiir ku xigeenka safaaradda Itoobiya iyo masuuliyiin kale.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top