BREAKING NEWS

Madaxweyne Farmaajo “Doorashadu waa heer Qaran ee ma aha heer Gobol'{Video}

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caddeeyey inuu doonayo in guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaran ee maamulaan doorashooyinka dalka ka dhacaya, taasi oo meesha ka saareysa awooddii dowlad goboleedyada.

Farmaajo oo ka hadlayey xiritaanka shirkii Dhuusamareeb 3, ayaa sheegay in maadaama doorashadu ay tahay mid heer federal oo aysan ahayn heer gobol ee lagama maarmaan tahay in guddiga doorashooyinka ay maamulaan.

“Doorashadu waa heer Qaran ee ma aha heer Gobol, sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranku ay hoggaamiyaan doorashada. Si aan uga dhabayno bisaylka siyaasadeed ee muddo dheer kaddib aynu gaarnay, waxaan xilligan doorashada ku galaynaa nidaamka xisbiyada badan, waxaan ka gudubnay heerkii la isu xulufaysan jiray qabyaaladda oo waxa aynu u gudubnay in lagu tartamo mabaadi iyo axsaab,” ayuu yiri madaxweynaha.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top