BREAKING NEWS

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo Haweeneey Soomaali ah xukun ku riday

Haweeneydaan oo Magaceeda lagu soo koobay Nimco ayaa waxaa xukun Xabsi ah ku riday Maxkamad ku taalla magaaladda Detmold ee Jarmalka , iyada oo lagu eedeeyay fal iskuday dil ah.\

Nimco oo maxkamadeynteeda soo martay heerar kala duwan ayaa la sheegay inay dhaawac halis ah ugu gestaya Gudaha dalka Soomaaliya inta aysan tegin Jarmalka laab rag ah oo ku dhex kufsaaday Dukaan ku yaalla gudaha dalka, iyada oo dhaawaca u adeegsatay Tooreey ama mindi.

Nimco oo ah marwo leh Saddex Carruur ah ayaa u sheegtay xeerbeegtada in ay falkaas ku kacdey markii ay dil ugu hanjabeen kuwii kufsanayay, falkaasi oo ka dhacay sanadkii Bishii Maarso sanadkii 2013-kii una sameysay si ay u badbaado.

Nimco ayaa kiiskeeda soo bilaawday sanadkii 2017, xilligaas oo ay jarmalka tahriib ku gashay kana tagtay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay kasoo jeedo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top