BREAKING NEWS

Ninkii Adduunka ugu da’da weynaa oo geeriyooday

Nin u dhashay Koonfur Afrika oo la aamminsan yahay inuu ahaa ninka ugu da’da weyn adduunka ayaa dhintay isagoo 116 jir ah.

Dukumiintiyada aqoonsiga Fredie Blom waxay muujinayaan inuu ku dhashay gobolka Bariga bishii May 1904, in kasta oo taasi aysan waligeed xaqiijinin Guinness World Records.

Markuu yaraa, qoyskiisii oo dhan waxaa tirtirey cudurka faafa ee hargabka ahaa 1918 ka dillaacay Isbaanishka. Isaga oo ka badbaaday laba dagaal adduun iyo midab takoorkii Koonfur Afrika

Mr Blom ayaa BBC u sheegay 2018 in aysan jirin wax sir ah oo gaar ah oo ku saabsan cimri dheeraantiisa.

“Hal shay oo keliya – waa [Eebbe]. Isagu awood buu leeyahay wax kasta. Waxba ma haysto anigu. Waqti kasta waan ka tagi karaa laakiin isagu i daayey”, ayuu yidhi.

In kasta oo uu joojiyey cabbitaanka khamriga sannado badan ka hor, wuxuu se ahaa sigaaryo cab aan kala joojin cabbistiisa.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top