BREAKING NEWS

GAROOWE:- Socdaalka Farmaajo Sunta Saarka Deni & Madoobe, mise Seef laba afle.

Ilo xogogaal ah ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Farmaajo 48saac ee nagu soo wajahan u safrayo Garoowe, oo la qorsheynayo wali, oo uu goor dhaw ka dagayo Axmed Madoobaha Jubbaland.

Deni iyo Madoobe, waxay diideen tagida shirkii Muqdisho July & Dhuusa-Mareeb3 ee lagu gaaray nooca doorasho, markii uu meesha ka baxay Xassan Cali Kheyre, Isgaanshaar buursi siyaasadeedna uusan jirin.

Safarka Farmaajo ayaa umuuqda inuu dhagaysto tabashada Deni iyo Madoobe taas oo ah fursadii ugu danbaysay oo ay ku dhayi-karaan dildilaaca siyaasadeed ee hogaaminta isbahaysiga sida beelaysan u horseeday deegaanada Jubbaland & Puntland.

Dhankale safarkani waxaa uu laxow ku hayaa garabyadan jid iyo jiho nooceeda aysan cadeyn haya, waxayna hurin-kartaa danbaska aasan ee ay ku dul fadhiyaan labadan hogaamiye, si gaar ah Deni oo gudaha Puntland kala aragti duwanantu banaanka timi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top