BREAKING NEWS

Madasha xisbiyada Qaran iyo beesha Caalamka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Waxaa soo gaba gaboobey shir u dhaxeeyey Beesha Caalamka iyo Madasha Xisbiyada Qaran kaas oo looga hadlay heshiiskii Dhusamareb 3.

Kulankaan ayaa ka dhacay xarunta Xalane ee Muqdisho, waxana ka qeyb galay hogaamiyeyaasha Madasha Xisbiyadda Qaran.

Madasha ayaa u sheegtey Beesha Caalamka  si uu heshiiskii Dhuusamareeb u noqdo mid dhameystiran in loo baahanyahay ka qeybgalka dhammaan saamileyda siyaasada oo ay ku jiraan Maamulladii shirka ka maqnaa, Xisbiyada iyo Ururada Bulshada.

Sidoo kale waxaa hoosta laga wada xariiqay in heshiiska Dhuusamareeb3 u baahan yahay in lagu caddeeyo wakhtiga doorashada la qabanaayo iyo in Xal loo helo khilaafka Baarlamaanka labdiisa Gole si ay u ansixyaan heshiiska Dhuusamareeb

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top