Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu hakiyay lacagtii Kabka Miisaaniyadda ee ka timid Bankiga Adduunka oo loogu tala galay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,
Warar kala duwan ayaa ka Soo Baxaya Sababta Madaxweynuhu u hakiyay lacagtan kabka Miisaaniyadda oo dhowaan Wasiirada Maaliyadda DFS, DG iyo Gobolka Banaadir ku qeybsadeen Shirkii ka dhacay Hotel Decale.
Lacagta kabka Miisaaniyadda Bankiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya ayaa dhammeyd 70 milyan oo dollar waxaana loo qebiyay sidan:-
Dowladda Federaalka 22 Milyan oo dollar
Puntland 9 Milyan
Galmudug 3 Milyan
Koofur Galbeed 3 Milyan
Jubbaland 3 Milyan
Hirshabeelle 3 Milyan
Gobolka Banaadir 3 Milyan
Somaliland 11 Milyan
Lacagtan Ayaa sabab ugu weyn ee loo hakiyay waxaa wararku sheegayan in Dib u eegis lagu samayn doono Lacagta Lagu wareejinaayo Maamulada qaar sida Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagula taliyay inuu Lacag lagu Wareejinaayo Somaliland loo badalo Mashaariic laga fuliyo Gobolada maamulkaasi laakiin aan lacag kaash ah faraha laga saarin maamulka Somaliland,
Guud ahaan caawa ayuu madaxweyne Farmaajo amar ku bixiyay in la hakiyo lacagta maamulada oo aan wax Qarash ah la bixin ilaa amar danbe
Dhawaan ayay Ahayd markii Warbaahinta Widh Widh Online Baahisay halista ka dhalan karta Lacag kaash ah oo laga saaro farta maamulka Somaliland iyadoo gobolada SSC, aysan maamulka Somaliladn isku mowqif ka ahayn Qadiyada Gooni goosadka.