BREAKING NEWS

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareb kusoo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug Cabdiraxman (makaawe), Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxa la filayaa in Maamulka Galmudug ay ku wareejiyaan agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda, waxaana la filayaa in uu la kulmo Madaxda Sare ee Galmudug.

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa shalay Maamulada Koonfur Galbeed & Jubbaland ku wareejiyay la socoshada isbedelada Cimilada

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top