Mudanaayasha golaha shacabka Baarlamaanka JFS ayaa ansixiyey hindise-sharciyeedka qareenada soomaliyeed oo ay agalaadeen 139 mudane waxana diiday 2 mudane wax ka aamusay majirin.
Dhanka kale mudanayasha ayaa ka doodaya Akhrinta 1aad ee hindise-sharciyeedka hay’adda baaritaanka iyo sharciyadda beeraha Soomaliyeed iyo Akhrinta 2-aad ee hindise-sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaliyeed
Sidoo kale qeybinta dib u eegista miisaaniyadda 2020-ka ee golaha shacabku ansixiyey,waxaana kulanka shir guddominaya guddomiyaha golaha shacabkaMaxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo guddomiye ku xigeenka koowaad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey.