BREAKING NEWS

Maraykanka: Soomaaliya amnigeeda waxaan ku bixinay $ 5.3 bilyan, wax natiiijo ahna kama soo bixin”

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in dib u soo celinta Ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya ku bixisay lacag dhan $ 5.3 bilyan 20-kii sano ee lasoo dhaafay, hayeeshee aysan jirin guul weli laga gaaray.

Cherith Chalet oo ah ku simaha safiirka mareykanka ee UN-ka, ayaa hadalkaan ka hor jeedisay golaha amaanka, iyada oo shaacisay in natiijooyinkii kasoo baxay xaalada Amni ee Soomaaliya iyo lacagaha ay bixiyeen aysan aheyn kuwo isku dhigma

” Mareykanka waxaa uu weli wadaa duqeymaha uu la beegsanayo saraakiisha Al-Shabaab,waxaase shaki ku jirin in tallaabo millateri kaliya looga guuleysan karin Al-Shabaab laguna soo celin karin Amniga iyo xasiloonida ayay tiri ” Cherith Chalet

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Mareykanka uu walaac ballaaran ka qabo lacagaha faraha badan ee Canshuur ahaan loo siiyo Al-Shabaab, iyada oo tusaale u soo qadatay weerarkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ku qaadeen hotel Elite,iyada oo sheegtay in dhaqaalo laga qaaday Ganacsatada Soomaaliyeed lagu soo abaabulay weerarkaas.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top