BREAKING NEWS

Madaxweynaha Puntland Deni oo Muqdisho u tagey Arinka Dhan Ah Sool,Sanaag

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulahi Deni Ayaa Bilaabay Muqdisho Olole Xoogan oo uu Doonayo Inuu Tageero midaysan kaga Helo,Kooxaha Mucaaradka ee Ay Kujiraan Xisbiyada Mucaaradka Muqdisho.

Arinta waxay ka Danbeysey Kadib Khilaafka Xoogan ee Jubaland iyo Puntland Ay Ku diideen Qorshaha Shirkii Dhuusamareeb 3,Iyagoona Ka Biyo Diidan qaabka Doorashada Dadban ee Tirada Lagu Daray Ergada.

Waxaana Wehelinaya  Arinta Ugu badan ee Puntland Siweyn Uga Xanaaqsan tahay,Arintani Waa Xildhibaanada  Sool,Iyo Sanaag Bari In La Geeyo Muqdisho,Madama Deegaanada Ana Lagu Dooran karin Xildhibaanadooda.

Puntland Ayaa Doonaysey In Dib Loogu Laabto In La Geeyo Magaalada Garoowe.

Hada Arinta Ugu badan ee Puntland Ka Cabsi qabto Ayaa Ah,hadii Lageeyo Xildhibaanada Dhulbahante iyo Warsangali Muqdisho,waxay Taasi Meesha Ka Saaraysaa Qorshaha Puntland ee Sool,sanaga Iyo cayn Ku SHeegato.

Ugu Danbeyna Arintaasi waxaa kasoo Bixi kara In Deegaanadaasi Maamul Gaar Ay Helaan.

Xanaaqa Ugu Weyn Deni ,Hada Ayaa Ah Xildhibaanadaasi Dhulbahante Iyo warsangali In La Geeyo Muqdisho.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top