BREAKING NEWS

Banaanbax Laga wado Buuhoodle.

Shacabka Gobolada SSC, Ayaa wada qorshe looga soo hor jeedo Shirka Muqdisho uga furmay Madaxweynaha soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Buuhoodle waxaa ka socda qabanqaabada Mudaharaad lagu diidan yahay dalabka madaxweyne Siciid Deni hordhigay Dawlada soomaaliya ee ah in Xildhibaanada SSC lagu soo xullo Garoowe,

Sidoo kale Mudaharaadka Ayaa lagu diidan yahay in Madaxweyne Farmaajo u hogaansamo Qorshaha Deni ee ah isku cunaduubka Masiirka Gobolada SSC,

Lama oga in Madaxweyne Farmaajo tix galin doono rabitaanka Shacabka SSC iyo in uu tix galin doono dalabka Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa dagaal dheer ugu jira in Kuraasta gobolada SSC siiba kuwa warsangali iyo dhulbahante ay maran jidkii ay hore umari jireen ee ahaa in Garoowe lagu xulo,

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top