BREAKING NEWS

kulan madaxtooyada uga socda Farmaajo, Deni & Axmed Madoobe

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka socda kulan dhex maraya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.

Horay ayey saddexdaan hogaamiye u ballansanaayeen, balse wuu baaqday kadib markii ay Jubbaland keentay shuruud adag oo xalay is faham laga gaaray, waana tan keentay in la qabto kulanka.

Wararka ay heleyso Widh Widh Online ayaa sheegaya in kulankaan uu yahay kulan kaliya logoa hadlaayo arrimaha doorashada iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta isla markaana la isla ogol yahay.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa iney wadaan qorshe wajiyada dambe ee shirka loogu soo kordhiyo madaxweynayaasha Hirshabelle, Galmudug iyo K/Galbeed.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top