BREAKING NEWS

War Deg Deg Ah:;Dil ka dhacay Garowe

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi lagu dilay nin ka mid ahaa xoogsatada Magaalada.

Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Yaasin Aways Maxamed oo kamid ahaa dadka xoogsatada ah ee kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Jawhar.

Ninkaan ayaa loo dilay sababo la xariira in wadada xirmatay Muran ka dhashay, waxaana goobta ka qaaday Meydkiisa Ciidanka.

Ninkii dilka geystay ayaa la sheegay in uu goobta ka baxsaday, waxaana baadigoob ugu jira Ciidanka Ammaanka Puntland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top