BREAKING NEWS

30 qof oo ku dhintay dagaal culus oo dhex maray dad shacab ah iyo Al-Shabaab

Daraasiin dad ah ayaa ku dhintey kadib iska horimaad u dhexeeyey dad reer miyi ah iyo dagaalyahanada xarakada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug..

Afhayeenka maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur oo uu soo xigatay telefishinka Al-Jazeera ayaa sheegay in ku dhowaad 30 oo ay ku jiraan 16 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalka

“Waxaan haynaa warar sheegaya in ku dhowaad 30 qof, oo ay ku jiraan 16 mintidiin ah, lagu dilay tuulada Shabeelow, halkaas oo dad rayid ah ay hubka qaateen si ay ula dagaalamaan argagixisada,” ayuu yiri Cismaan Ciise Nuur, afhayeenka maamulka Galmudug.

Maleeshiyooyinka iskaa wax u qabso ee maxalliga ah ayaa sheegay inay jilbaha u aasteen sidii ay ugu hortegi lahaayeen “tacadiyo” ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab.

“Tuulooyinka hubaysan waxay doorteen inay la dagaallamaan mintidiinta si ay uga difaacaan xoolahooda argagixisada,” ayuu sii raaciyay Cismaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top