BREAKING NEWS

3 Qodob oo Ay Ku Heshiiyen Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe,

Warar hoosaadyo laga helayo wada hadaladii u socday Dawladda Faderaalka & Jubbaland ayaa sheegaya in is faham hoose ay gaareen labada dhinac, gaar ahaana qodobada laga wada hadlay ay noqdeen.

1- In Arrinta soo xulida xildhibaanada Gobalka Gedo, loo dhaafo inay doorashadooduna ka dhacdo degmooyinka Gedo, Gobalkana uu Si toos ah Maamulka Jubbaland ula wareego ugana hawl galo iyadoo ciidamada joogana La hoos geenaayo mamaulka Juabland,,

2- In Xildhibaanada Jubbadda Dhexe & Jubadda Hoose lagu soo doorto Kismaayo, maadaama Bu’aale aysan ku jirin gacanta Jubbaland.

3- In Mashaariic horumarined iyo dhaqale hormaris ah ay hesho Jubbaland oo waqtigan dhaqale darro baahsan jirto.

Is afgaradkan, ayaa cabsi laga qabaa in uu khilaaf ka dhex abuuro dhinacyo horey isku raacsanaa ee ku sugan Gedo

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top