BREAKING NEWS

Weerar qarax ku bilaawday oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Wararka laga helayo degaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii dhanka Waqooyiga 55 km uga beegan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay Maanta weerar ku bilaawday qarax ku qaadeen degaankaas

Weerarka oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday Saldhiga ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ka sameysteen degaanka Janaay Cabdalla,waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Degaanka Janaay Cabdalla ayaa maalin ka hor waxaa Al-Shabaab kala wareegay Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen inay weerar loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay la beegsadeen degaanka janaay Cabdalle oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda & kuwa Mareykan ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubaland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay ka hortageen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay degaanka gacanta ku hayaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top