BREAKING NEWS

Axmed Madoobe & DENI oo looga yeeray XALANE, (Qorshe Xasaasi ah oo jira

Safiirada Beesha caalamka u jooga magaalada Muqdisho ayaa u yeeray madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland (Axmed Madoobe & Siciid C/llaahi) oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan isku fahmi waayay in shir kale loo qabto dhammaan maamul Goboleedyada si loo gaaro go’aan loo dhan yahay oo ku saabsan qaabka ay noqoneyso doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo fariisinka ugu weyn uu yahay Xarunta Xalane ayaa u yeeray Axmed Madoobe iyo Siciid C/llaahi Deni ka dib markii uu adkaaday xiisada siyaasadeed labadaas mas’uul kala dhaxeyso madaxtooyada Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in qoraal ka soo baxay xafiiska Yamamoto uu gaaray Axmed Madoobe iyo Deni oo looga dalbanayo iney shir isugu yimaadaan xarunta Xalane, kaas oo uu safiirka iyo labada madaxweyne ay kaga wada hadlayaan xaaladda dalka iyo sidii marka kale loo furi lahaa shirka la isku mari la’yahay.

Beesha caalamka oo uu ugu horeeyo Mareynkanka ayaa garwadeyn ka ah shirka Muqdisho ee arrimaha doorashada ku saabsan, waxayna mararka qaar hadal canaan ah dul dhigtaa dhinacyada ay u aragto iney caqabad ku tahay geedi socodka siyaasadeed ee dalka.

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa si rasmi ah u shaacisay waqtiga uu furmayo shirka Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top