BREAKING NEWS

Somaliland Oo Xafiis Ka Furtay Taiwan{Daawo}

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan iyo Wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Xaaji Cumar, ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Soomaaliland ay Xafiis uga furaneysay Ismaamulka Taiwan oo aaminsan in ay ka go’een dalweynaha Shiinaha.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale munaasabadda khadka Internetka kaga qayb-galay , isaga oo Taiwan uga mahad celiyay xiriirka Cusub oo ay wada yeesheen.

Taiwan ayaa horey xafiis diplumaasiyadeed uga furatay Somaliland,waxaana xiriirka labada maamul kasoo horjestay Waddamada Shiinaha iyo Soomaaliya, iyada oo labada maamul dheg jalaq u siin hadallada kasoo baxay Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top