Wasiirka Wafaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta maamulka Somaliland, Mudane Saleebaan Cali Koore ayaa shaaciyey in maanta laga helay cudurka faafa ee Coronavirus, kadib baaris caafimaad oo lagu sameeyey.
Wasiir Koore oo warbaahinta ugu warramay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in markii hore uu isku arkay madax xanuun, qandho fara badan iyo daal, kadibna lagu sameeyay baaritaan, sidaasina looga helay cudurka safmareenka ah ee Covid-19.