BREAKING NEWS

25 qof oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ukraine

Diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa ku burburtay meel u dhow magaalada bari ee Chuguev goor dambe oo jimcihii ah, halkaas oo ay ku dhinteen 25 qof.

Dowladda ayaa sheegtay in laba qof oo ka badbaaday ay ku sugan yihiin goobaha caafimaadka iyaga oo xaaladoodu liidato.

Burburku wuxuu dhacay markii diyaaradda Antonov An-26 ay isku dayday in ay si deg deg ah u degto.

Sida laga soo xigtay Adeegyada Gurmadka Degdegga ah ee Dawladda Ukraine, 27-ka qof ee saarnaa waxay ahaayeen shaqaalihii iyo aqoonyahanno ka socday jaamacad u dhow ciidamada cirka.

Ugu yaraan 10 diyaaradood oo Antonov An-26 ah ayaa shilal galay tan iyo sanadkii 2017, sida laga soo xigtay xafiiska fadhigiisu yahay Geneva ee Diyaaradaha, oo ay ku jiraan shilkii 2018.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top