BREAKING NEWS

Khasaare ka dhashay Dagaal dhex maray Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya

Warar aan helnay ayaa sheegaya in gelinkii hore ee maanta uu iska hor imaad uu ku dhex maray Ciidamada dawlada Kenya iyo kuwa Soomaaliya, xadka ay wadaagaan magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo iyo magaalada Mandheera.

Iska hor imaadkaasi ayaa inta la og yahay waxaa ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya, balse lama oga in ay jiraan khasaare kale oo ka dhashay iska hor imaadkan maanta dhacay.

Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in Ciidamadii Kenya ay iskaga carareen fariisimihii ay ku sugnaayeen ee ku yaallay xadka gobolka Gedo iyo Mandheera, gaar ahaan magaalada Beled Xaawo.

Xaaladda ayaa hadda lagu soo warramayaa in ay tahay mid deggan, iyadoo ay ku sugan yihiin goobta Ciidamada dawlada Soomaaliya.

Lama oga sababta ka dambeysa ilaa iyo hadda iska hor imaadkan dhex maray Ciidamada dawlada Soomaaliya e ku sugan xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyo Ciidamadan dawladda Kenya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top