BREAKING NEWS

Puntland oo eedeyn kulul u jeedisay dowladda Soomaaliya

Dowlad goboleedka puntland ayaa shaaciyay in xilligaan lagu dayacay lacagta Shillinka Soomaaliga, isla markaana ay yihiin maamulka kaliya ee sida weyn deegaannadooda looga isticmaalo lacagtaas.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Qowdhan ayaa sheegay in degaannada Puntland loo soo raray lacagaha shillinka Soomaaliga,taasina ay u keentay sicir barar baahsan oo dhinaca sarifka Dollarka ah.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland  Cabdi Qowdhan inay ku dayacday lacagta Shillinka Somaaliya, isla markaana ay Canshuurta ku qaado Dollar sidoo kalena Shaqaalaheeda iyo Ciidamada ku siiso Mushaarka.

Hadalka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland  Cabdi Qowdhan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xlli maalmihii la soo dhaafay degaannada Puntland laga cabanayay sicir barar dhinaca dollarka ah, sidoo kalena ay puntland  Guddi gaar ah u saartay wax ka qabashada xaaladda sicir bararka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top