BREAKING NEWS

Madaxweynayaasha Kenya & Masar oo kulan xasaasi ah yeeshay

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa markii uu ka soo amba baxay dalka Faransiiska waxa uu booqasho ku soo maray dalka Masar,halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi Masar Cabdifataax Al-Sisi..

Kulanka labada Madaxweeyne ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga gobolka, ganacsiga iyo jawaabta Afrika ee Cudurka Covid-19.

Madaxweynaha Kenya ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Masar soo dhaweynta uu u sameeyay, isaga oo sheegay in la ordhin doono xiriira wadashaqeyn ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa dalka Faransiiska,waxaana uu heshiis iskaashi la soo saxiixday Madaxweynaha dalka Faransiiska.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top