Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay goordhow duqeymo ka geysteen degaano hoostaga degmooyinka, Beled-Xaawo & Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaareey.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in diyaaradaha oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya ay duqeymaha ka fuliyeen degaannada , Baliga Harakoobe. Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable
Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqeymahaas, waxaana deegaannada la duqeeyay ay yihiin kuwo ay ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah.