BREAKING NEWS

Goorma ayuu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqayaa guddiga doorashada

Warar xogagaal ah oo ay heshay Widh Widh Online ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shaacin doono guddiga doorashada Soomaaliya ee 2020-21.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu dhammaystiray xubnaha ay ka koobnaan doonaan guddigaani kana kala imaanaya Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa bishii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ku gaarey heshiis ku salaysan doorashada dalka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top