Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafti uu hogaaminayo oo ka ambabaxay Garoowe ayaa lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Axmed Karaash kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsna labada gole ee baarlamaanka dowladda Federaalka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.
Safarka madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu u yimid Muqdisho ayaa ah sidi uu uga qeyb geli lahaa Aaska Qaran ee loo sameeynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.