BREAKING NEWS

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Safiirka Midowga Yurub?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu wadahal miro dhal ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Nicolas Berlange..

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tilmaamay in ay ka wada hadleen Safiir Nicolas Berlange arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga Midowga Yurub ee horumarinta Soomaaliya iyo horey u socodka ammaanka iyo doorashooyinka.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in Midowga Yurub uu dalkeena u yahay saaxiib iyo gacan siiye muhiim ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top