BREAKING NEWS

Somaliland oo bilowday abaabul ay kaga qabsanayso Puntland Boocame.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Boocame ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi ay isku urursanayan malayshiyaad hubaysan oo u dhashay degaanka, kuwaas oo ay abaabushay Somaliland.

Malayshiyaadka hubaysan oo sheegtay in ay yihiin Somaliland, islamarkaana wata Calanka maamulkaas, ayaa doonaya in ay Puntland ka qabsadaan degmada Boocame, kadibna ay halkaas ku soo dhoweeyaan Ciidamada Somaliland.

Saraakiisha hoggaaminaysa malayshiyaadka Boocame, ayaa Somaliland ka haysta ballan-qaadyo muhiim ah, haddii ay hirgeliyaan damaca Hargeysa ku doonayso qabsashada degmada Boocame ee Gobolkaas Sool.

Dhinaca kale, Puntland ayaan weli wax tallaabo ah qaadin, xilli uu socdo abaabulka xooggan ee Somaliland ugu jirto in ay gacanta ku dhigto degmada Boocame oo ku taalla dhul istiraatiiji u ah Gobollka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top