BREAKING NEWS

Hay’ad Caalami ah oo soo saartay digniin la xiriirta Burcad Baddeeda Soomaalida

Warbixin kasoo baxday Hay’adda badaha adduunka ayaa waxaa loogu baaqay Maraakiibta Shishiiye ee mara badda Carbeed iyo Gacanka Cadmeed inay ka feejignaadaan weeraro kaga imaan kara Kooxa Burcad Baddeeda Soomaalida.

Hay’adda ayaa Warbixinteeda ku qeexday in labadii sano ee la soo dhaafay aysan jirin falal ay geysteen Kooxaha Burcad baddeeda Soomaalida oo la diiwaangeliyay, balse ay muhiim tahay feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale waxaa Warbixinta lagu sheegay in kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida ay siidaayeen Bishii Agoosto ee la soo dhaafay seddexdii lahayste, kuwaas oo gacanta u galay sanadkii 2011-kii,  markaas oo ay sii xoogan u jireen kooxaha Burcad Baddeeda

“ Waa muhiim feejignaan amni, in kastoo ay hoos u dhacday awooda kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida, laakin weli awood ayay u leeyihiin inay wax afduubtaan ayaa lagu yiri” Warbixinta Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha (IMB).

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa hoos u dhacay awooda Kooxaha burcad Baddeeda Soomaalida, iyada oo ay aad u yaraatay afduubka lagu haayay maraakiibta Shisheeye ee mara badda Carbeed iyo Gacanka Cadmeed.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top